
Magaalada Badhan oo ah Xarunta 2aad Ee Gobolka Sanaag ayaa waxay ka mid Noqotay Gobolada Dalka somaliya gaar ahaan Degaanada Maamul goboleedka Somaliyeed ee Puntland Meelaha ay aadka ugu Hurumareen Marka la fiiriyo qaar ka mida degaanada PL.
Waxaana magaadlada Badhan ay horumar fiican ka Gaadhey dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dhismayaasha casriga ah ee laga dhisayo & Weliba dhanka Dhaqaalaha oo aad looga dareemayo magaalda Badhan isla markaasina aad ku arkaysid guryo aad u qorxoon oo waawayn iyo streets dhaadheer oo u kala dhexeeya.
Magaalada Badhan aya waxay leedahay Meherado ganasi oo aad u wawayn kuwaasi oo ay soo camiraan Boqolaal ruux oo Degaankaasi ku dhaqan iyo kuwo kaleba,Waxaana Dhowaan Xariga si rasmi ah looga Jari donaa Dabaq 3biyaano ah oo aad u qorxoon gudihiisana aay Masaafo dheer ku dhex lugaynaysid, Dabaqan ayaa la sheegay in laga furi doono Hoteel caalami ah oo isugu jira Qaybaha kala duwan ee hudheelada sida Qaybta hurdada,qaybta cuntada,qaybta daawashada iyo dalxiiska Weli waxa uu ku mashquulsan yahay Maamulka Hoteelkaasi sidii uu bulshada u qancinalahaa oo waxkasta ugu soo bandhigi lahaa Hoteelkan Balaadhan.

Magaalada Badhan Muqaalkeeda Guud

Muqaalkani Waa danta Waqooyi Ee Badhan City

Xafadahani waxay ka midyihiin Goobah sida wayn looga dhisayo Magaalada Badhan

Xaafadani Waa Dhinaca Koonfureed Ee Magaalada Badhan

Dhismayaashan muntulada ah waxay Gaarayaan ilamaa 10Xabo oo ku yaala Hoteelka Gudihiisa.


Dhismaha Hoteelkan Caalamiga ah ayaa laga yabaa in dhowaan ay Xariga Ka Jaraan Masuuliyiin ka socota Maamulka Puntland sida M/waynaha PL oo socdaal ku tegaya dhowaan G/Sanaag.

Qaybta Sare ee Hoteelka Waxaa loogu tala galayey Shirarka iyoXafladaha Waxaana ku yaala 2 Hall oo aad u waaywayn.

Hoteelkan ayaa waxa uu leeyahay banaan Balaadhan oo Fagaare ah si ay u soo dhigtaan Gawaarida Yaryar ee Hoteelkaasi timaada.

Hoteelkani waa Huteel ku yaala Bartamaha Magaalada Badhan oo La yiraahdo Hoteel Badacas Waan hoteel Qadiimi ah oo Mudo ka Dhisnaa Magaalada Badhan,Waxaana Mulkiilaha Hoteelkani Oday shire uu sheegay inuu Xili dhow Hoteelkan Casriyeydoono taaso oo qayb ka noqonaysa tartanka Dhinaca Horumarka iyo Ganacsiga Gobolka Sanaag oo tartan loo gelayo
Xaafadaha cusub ee sida xowliga ah dhismuhu uga socdo magaalada Badhan ee G/ Sanaag.

Ilaali Isha Xaquuqda Sawirada