las qoray.city

home     Contact Us     history     tahniyad     tacsi     sanaag     xayeesiin     sawiro     warark      

HASHIISKII NABADAYNTA BEELAHA CABDI MAXAMUUD [DHULBAHANTE] IYO REER SALAAX [WARSANGALI] AYAA SOO AFMEERMAY[DAAWO SAWIRo

Damal-Cirbeedo:- Hashiiskii Laba Beelood ee Cabdi Maxamuud iyo Reer Saalax ayaa soo Gaba Gaboobay waxana Shirkaasi Joogay Masuuliyiin badan oo ka tirsan Maamulka Puntland iyo Isimo ka tirsan Labada Beelood, sidoo kale waxa Joogay qaar ka mid ah Ururada Bulshada.

 

Hashiiskaasi Nabadaynta Beelaha Walaaha ah waxa soo  Abaabulay oo gacan Wayn ka Gaystay Hay"adda Caalamiga ah ee DRC- Taasi oo Geed dheer iyo Mi Gaaban u Fuushay sidii ay Beelahaasi SUlux ugu dhamayn Lahayd.

 

                                             Shirkii oo Socda.

Colaadaasi oo 54- Jirsatay ayaa waxa Markii ay dhamaan waday La Qaban Qaabiyay sidii Beelahaasi loogu Kala Xukumi lahaa, Shareecada Islaamka iyada oo Gudi isku dhafa loo xil saaray Xalinta Khilaafkaasi.

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Shirkaasi Nabad ah soo qaban qaabiyay ayaa LaasqorayNET u Xaqiijiyay in l saaray Arinkaasi 22-Xubnood ah oo Gud Isku dhaf ah oo isugu Jira Culamo, iyo Aqoonyahano kuwaasi oo Gabe Gebadii soo saaray Go"aano Ay wada qaateen Labada Beelood.

 

 

                                Guurtida Laba Dhinac

Go"aamadii Shirkii laga soo saaray waxa ka mid ahaa.

 

1-Inta maanta laga Bilaabo Colaadii Beelahaasi ay Noqoto Mid la soo sal xaadhay oo ay soo Af Godo.

2- inay Beesha Cabdi Maxamuud Bixiyaan 2- Nin lagu Xukumay iyo 3-Nin oo dhaawac ah.

3- In Beesha Reer Saalax ay Iyana Bixiyaan 2-Nin oo SHareecadu ku Xukuntay.

 

             Odayaashii oo Lafa Guraya Colaada soo Jiriinka ah    

Dhamaan Laba Beelood ee Goobtaasi Joogay ayaa si Fiican ugu Qanacsanaa Hashiiskaasi Taariikhiga ah iyada oo sidoo kale Jaliyadaha dibada ee Labada Beelood ay soo saareen baaqyo xoogan oo Taageero ah kuwaasi oo Muujiyay inay soo dhawaynayaan Hashiiskaasi Colaada dabada dheeraatay lagu soo Afmeeray.

Labada Beelood ayaa Hashiiskaasi ukala saxeexay Cuqaasha Labada Beelood iyo waliba Xildhibaano ka socday Puntland oo ka soo Kala Jeeday Gobolada Sool iyo Sanaag.

               Garaad Saleebaan iyo C/laahi Cali Ciid                                     

                        Culamadii Joogtay Goobta Shirka                                       

 

                                         C/laahi Cali Ciid.                                                   

 

                                        Masuul la dhaariyay