Ninkan soomaaliga ah oo da’diisa lagu sheegey 28 jir ayaa xalay abaaro 10 kii fiidnimo ee wakhtiga Denmark waxa uu toorey iyo faash ku weerarey nin reer Danmark ah oo hore sawir gacmeed ugu aflagaadeeyey Nabi Muxamad N.N.K.H isagoo jabiyey albaabkii hore ee guriga ninkan.
Ninkan Denmark u dhashay ee sawir gacmeedka ku aflagaadeeyey Islaamka oo si gaar ah loo ilaalin jirey ayaa markii uu dareemey weerarka kusoo wajahan waxa uu galay qol gaar ah oo lagu rakibey dawan ama qalab dhawaq sameeya oo boolisku ay kusoo gurman karaan.
Booliska Denmark ayaa soo gaadhey wakhti uu wiilkan soomaaliga ahi ku hawlanaa jabinta albaabka guriga isagoo hanjabaad iyo ereyo cadho ka muuqato kula hadleyey ninkan Denishka.
Ciidamada Booliska ayaa isku dayey iney qabtaan wiilkan soomaaliga ah iyagoo dhaawac uga geystey lug iyo gacan is dhaaf ah kadibna la sheegey iney u qaadeen Cusbitalka.
Sirdoonka Denmark waxa uu sheegaya in ninkan soomaaliga ahi uu xidhiidh la lahaa ururka Al shabaab iyo Alqaacidada geeska Afrika balse ma cadda in wax ka jiraan eedeynta ceynkan ah.
Sawir gacmeed laha reer Danmark ayaa sawirey muddo afar sano laga joogo sawir gacmeed uu wax ugu dhimayo Nabi Muxamad N.N.K.H kaasoo ka cadheysiiyey malaayiin muslimiinta oo iyagu mudahaardo isugu soo baxay dhamaan daafaha caalamka.
Bulshooyinka Muslimka ah ee ku dhaqan dunida daafeheeda ayaa sawiradaa kadib ku dhawaaqey iney joojin donaan isticmaalka waxyaabaha lagu soo warshadeeyo Denmark arrintaas oo dhirbaaxo weyn ku noqotey dhaqaalaha Demark.
Wakhtigaa xukuumada Denmark waxa ay ku tilmaantey tallaabada sawir gacmeed laha mid waafaqsan xurriyatul qawl ka, markii sawir qaadaha la weydiiyey waxa ku kallifeyna waxa uu sheegey inuu kaga cadheysiinayey kooxaha uu ku tilmaamey argagaxiso mayal adag.
Ururka Al qaacida ayaa waxa uu ku qaadey safaarada Denmark ee Kaabul fal is qarxin ah oo uu fuliyey naftii hure u dhashay dalka Sucuudiga oo horena mu’adin masjid uga ahaan jirey Magaalada Barakeysan ee Maka, falkaas ayaa Al qaacida waxa ay ku tilmaantey inuu ahaa mid loogu argaaduyo Rasuulka SCW.
www.allmaakhir.com