las qoray.city

home     Contact Us     history     tahniyad     tacsi     sanaag     xayeesiin     sawiro     warark      

Waxa ka soo Degey Gegida Diyaaradaha Magaalada Bosaso Mudane C/laahi Axmed Jaamac ilka jiir oo ah Musharax ku Loo laamaya Hogaanka Xukuumada PL Waxaa soo dhowayntaasi ay ahayd Midii ugu Cad cadcadayd ee la arko tan iyo Markii ay soo bexeen Musharixiinta Reer PL

Waxaa la Xiray inta badan Maanta Xiligii uu soo Degayey Musharaxaasi Wadooyinka iyadoo Ciidamada Amaankuna ay si wayn uga shaqaynayeen Deganaanshaha iyo kala Damaynta Dadwaynaha.




 



 





Musharixii oo isimada ku Gacan Qaadaya Garoonka Magaalada Bosaso
 









General C/lahi axmed jaamac iyo Sarkiil ku soo Dhoweysey Garoonka Diiyaaradaha 







Shacab Waynihii Soo dhoweyeey Generalka oo Soo buux dhaafshey Garoonka Diyaaradaha.
 



 






 





Generalka oo salaamaya Sarkiisha Amaanka PL oo Garoonka Diyaaradaha ugu Diyaargarowdey soo Dhoweyntiisa.





2 Masuul oo ka tisan Weftiga Caalamiga ah ee Soo Dhoweyey Musharaxa.




 





Waxaa ay u gelbiyeen oo uu Degey Musharaxu Hoteelka Baana Rooma ee Magaalada Bosaso Halkaasi oo uu Saxaafada kula Hadlay isla Mar ahaantaasina Shacabka u Sheegay In Saacadaha Soo socda uu Soo bandhigayo Wax qabadkiisa







 







Masharaxa ayaa Ka Dib Markii uu Hoteelkiisa ku Degey Ka soo Jeediyey hadalo gaaban isagoo sheegay in Mar dhow ka Waramayo Wax qabadka kaga aadan Madaxtinimada.



 









WARBIXIN] WACDARIHII KA DHACAY DHAHAR IYO SOO DHAWAYNTII GEN CABDULAAHI AXMED JAAMAC ILKA JIIR[DAAWO SAWIRO]
Dhahar:- Madaxweynaha soo socda ee Puntland General Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir ayaa maanta duhurkii soo gaarey Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag iyadoo Generalka loogu soo dhoweyey si madax weynino isla markaana damaashaad iyo dabaal deg loogu soo dhoweyey.

Ciidamo tiro badan iyo Fardihii Sunaariga ayaa waxay Generalka iyo wefdigiisii kaga hortageen Laamiga iyo tuulada Alxamdulilah dabeedna ay ciidamadii halkaa Salaan ku siiyeen soona gelbiyeen.

Jaamac Ayaanle iyo Maxamed Ciise oo ka mid ah Saxafiyiinta Madaxa banaan ee Dhahar iyo LaasqorayNET oo wehiliya Wefdiga goor aanu la xiriirney oo aanu weydiiney qaabka ay wax u dhaceen ayaa noo sheegey inuusan hore u arag soo dhoweyn sidan oo kale ah iyadoo uu sheegay in Magaaladu ay dhamaanteed isu soo baxdey.

Ciid Ducaale [Wiilkii Col Ducaale] oo gacan qaadaya Generalka

Sidoo kale wariyaal kale oo ku sugan Magaalada Dhahar ayaa noo xaqiijiyey Generalka iyo wefdigiisa lagu soo dhoweeyey caleemo qoyan iyo calankii Jamhuuriyada Somalia. 

 

Cutubyo ka tirsan Ciidanka La dagaalanka Xaalufinta Dhahar

Warar kale oo Hoose ayaa sheegaya in Generalku uu si Gaar ah ula kulmi doono Saraakiisha Ciidanka la dagaalanka Xaalufka oo ah kuwa aad u taysan isla markaana tababar milateri haysta, walaw aan si rasmi ah loo sheegin waxyaabaha ay ka wada hadlayaan.

Ciidanka la dagaalanka Xaalufka ee Degmada Dhahar ayaa kaalin xoogle ka qaatay soo dhawaynta Murashaxa iyagoo amniga magaalada sugayey isla markaana baabuurta Dagaalka ee gaashaaman ay magaalada  gaaf wareegeysey.

Generalka oo 2 Sunaari dhex taagan
Generaalka iyo wefdigiisa ayaa waxay sidoo kale muujiyeen faraxada weyn, aadna uga mahad celiyey bulshada iyo saraakiisha ciidanka Dhahar isla markaana tilmaamey iney Reer Dhahareed Abaal weyn muujiyeen 

Ciidanka La dagaalkan Xaalufinta oo Salaan siinaya Generalka

Generalka ayaa isna si gaar ah ula hadley bulshada Dhahar in kooban una sheegey iney u diyaar garoobaan dal dhis, horumarin iyo iney ka shaqeeyaan ayaahooda.

Shacabka Dhahar oo si diiran usoo dhoweynaya Generalka iyo Wefdigiisa

Waxa uu Generalku sheegey inuu Berito Khudbad balaaran jeedin doono iyadoo aad moodid in Magaalada Dhahar ay noqotey mid hanatey bilada Dahabka ah.

Dad weyne tiro badan oo soo kusoo dhoweeyey goobta uu Generalku degayo
Ciidanka La dagaalkanka xaalufinta iyo dadweyne soo dhoweynaya Generalka iyo wefdiga
Waa fardihii caanka ahaa ee Sunaariga[Garaad Cali Dable ayaa Somalia keeney qarniyadii dhexe]
Bulshadii oo aad ka arkeysid sida wacan ee ay uga soo qayb galeen soo dhoweynta

Sidoo kale soo dhowaynta waxaa ka qaybqaatay ururada bulshada sida uurka danad iyo waliba sports- ka iyo waliba dad aad ubadan iyadoo maalinimada bari ahna la filayo in uu janaralku uu khudbad ka horjeediyo shacabka ku dhaqan degmada dhahar iyo waliba gudiga ilaalinta degaanka si khas ahaan ah

Baabuur ay leeyihiin mid ka mid ah Ururada Dhahar

Soo dhawayntaasi ka dib ayaa waxa waftigaasi loo gudbiyay guriyihii loogu tala galay iyaga oo halkaasi loogu diyaar gareeyay Qadadii Maanta oo qorshu ahaa awal In Magaalada Dhahar lagu diyaar gareero.

Waa markale iyo dadweynaha oo soo dhoweynaya Wefdiga
Mid ka mid ah Tiknikada Ciidanka oo sugaya Amniga, soona dhoweeyey wefdiga
Waa ciidanka la dagaalanka Xaalufinta oo gaashaaman
Baabuurtii gelbineysey Generalka iyo Wefdigii la socday

Maanta waxay ahayd maalintii Dhahar iyadoo ay degmooyinka kale ee Gobolkuna ay sugayaan Generalka iyo wefdigan balaaran hase yeeshee waxaadba moodaa iney Dhahari kaalintey cayaartey aysan gaareyn degmooyinka kale.

Wefdigii iyo Generaalka oo dadweynaha Reer Dhahareed Salaamaya
Waa wefdigii oo Sunaari ka dhex muuqdo
Waa Generaalka oo ay la socdaan wefdigii
Abshir Muuse Cashuur oo ka mid ah Wefdiga dalka dibadiisa ka yimi

Ilo ku dhawo dhawo Xafiiska Murashaxa ayaa warbaahinta Gudaha u sheegay in maalinta Bari ah uu kulan la qaadan doono Odayaasha Deegaanka iyo dhamaan waxgaradka Degmada Dhahar.
 
Sida qurshuhu yahay Maalinta bari ah galinkii danbe ayaa la filayaa inay waftigaasi ka duulaan Magaalada Dhahar kuwaasi oo qoobka soo galin doona Magaalooyinka Xinaglool, Ceel-Buhu ee Badhan, waxa xusid mudan in wariyaal Caan ka ah Gobolka ay safarkaasi ku weheliyaan Gen-ka kuwaasi oo si toos ah warbixinaha uga soo gudbinaya.

LaasqorayNET+Dhahar Online



MAGAALADA BADHAN AYAA WACDARO KA MUUJISAY SOO DHAWAYNTII GEN- C/LAAHI AXMED JAAMAC ILKA JIIR [DAAWO SAWIRO]

Waftigii uu hormuud ka ahaa Gen-ku ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Badhan ee Xarunta  labaad Gobolka, boqolaal ruux ayaa sitay boodhadh soo dhawayn ah, dadkaasi ayaa waxa wajiyadooda ka muuqtay Farxad iyo soo dhawayn, Gen-ka ayaa waxa salaan siiyay Ciidamada Deegaanka kuwaasi oo ku jiray Heegan sare.

Sidaanu kor kusoo xusney waxaa soo dhoweeyey musharaxa dadwayne aad u balaaran oo uu horkacayeen Ururadda Bulshada iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo waliba Gudiga Magaalada Badhan iyo waxgaradka culumada cugaasha isimada iyo waliba dhamaan dadwayanaha degmada Badhan.



Dadweynaha soo dhoweeyey wefdigan ayaa ruxayey caleemo qoyan iyo waliba halku dhigyo, sawiro iyo waliba Hesso Wadani ah muujinaya xamaasada Magaalada Badhan,



Waxaa sidoo kale magaalada Badhan soo gaarey wefdi Her wasiro ah oo  ka kala yimi Magaloyinka Boosaaso Gawoowe isla markanaan ka qeyb qaatey soo dhoweynta Generalka iyo wefidgiisa waxaana wefdiga Wasirada ah  hogaaminayey Wasirka  Xananada Xolaha iyo Bereha Cali Bureed.


Magaalada Badhan ayaa maanta u ekeyd mid aad moodid iney ka jirto maalin ciideed iyadoo aad arkeysid faraxad aad u badan oo ay dadku hayaan isla markaan ay dadweynuhu isugu tahniyadaynayeen soo dhoweynta Generalka iyo Wefdigiisa.



Dhalinyada Sportska Magaalada Badhan ayaa waxay ka cayaartey door weyn oo iyagoonWatay Dharka Sports ka iyo Sawirada Generalka iyo waftigiisa kuna dhawaqayeey  sodhowow .sodhowow.


 


Magaalada ayaa sidoo kale waxaa xirnaa goobaha Ganacsiga iyo suuqyada laga adeegto iyadoo dhamaantood ay isu taageen Wadoyinka Waween ee magaalada Badhan sidi ay uga qayb qadan lahayeen  soo dhoweynta wefdiga.



Daawo Sawiro Kale:-











Ismail







Bahda Saxaafada Sanaag


Badhan Somalia

 

        

KULAN TAARIIKHI AH OO DHEX MARAY BULSHADA BADHAN IYO WAFTIGA UU HOGAMINAYO GENERAL CABDULAHI AXMED JAMAC ILKA JIIR [DAAWO SAWIRO]



Badhan:- General C/Laahi Axmed Jaamac ayaa Khudbad Tariikhi ah uu soo Jediyeey Dad waynaha Ku dhaqan Magaalada Badhan Gen-ka ayaa khudbadiisu ay ahay mid aad iyo aad su jidanaysay dad kumanan kii qof ee isugu soo baxaay Faragaraha Cusbitalka Magaalada Badhan.


Jen C/laahi ayaa mahad balaaran u celiyey shacabka magaalada wuxuuna sheegey in Reer Buraan ay yihiin muwaadiniin jecel dadkooda iyo dalkooda,wuxuuna kaloo kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada iyo wada jirka bulshada ku dhaqan mandaqada.



Cawad Suldaan oo magaca Gurtida ku hadlay



Nabadoon/Cabdi Salaax Faarax {Wabax}



Murwo/ Xaawo Maxamed Xujale oo Buran Burtay



Mid Ka Mida Abwaninta Magaalada Badhan oo gabay sojediyey



Wasarada Horumarinta Haweenka PL: Murwo Hodon Ismaaciil {Tinbiye}



Xildhibaan/ Siciid Xassan Shiire oo ka hadlay Xaflada



General/CLaahi Axmed Jaamac oo uu khudbadaynaya Dadweynihii Kaso qaybgalay Xaflada.



Shiikh Qudubi oo dadka wacdi Diniya u sojediyey



Nabadoon/ Jafaal oo halkas ka hadlay



Midkamida Wax garadka Magaalada Badhan{ Axmed Dheere}


Daawo Sawirradi Kale































SIDEE YUBBE LOOGA SOO DHOWEEYAY WAFTIGII GEN- C/LAAHI AXMED JAAMAC ILKA JIIR [ DAAWO SAWIRO]


Yubbe:- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gen- C/laahi Axmed Ilka Jiir ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay  Degmada Yubbe ee Gobolka Sanaag, waxana dhamaan ay dadku tumnaayeen wadooyinka Magaalada Yubbe, sida ururada bulshada iyo ciidamada deganka, dadku waxaay waten Caleemo qoyan iyo sawiradda General sido kale iyana waxaa an mesha aan ka maqneyn oo ay dad ku ruxayeen calanka Soomaaliya, Sido kale iyana waxaa mesha ka maqnayn Guurtida magaalada Yubbe oo balan qaday inay lashaqayn donaan Generalka


 


 


 



 Gen-ka ayaa dhamaan mahad gaar ah u celiyay shacabka magaalada Yubbe waaxana uu sheegay in meel kasta oo ay tegaan saasi si la mid ah loo soo dhaweeyay Gen-ka ayaa la dar daarmay shacabka magaalada Yubbe waxana uu u sheegay inay ka shaqeeyaan Amaanka


 






                            Gen-ka iyo Suldaanka Beesha Deegaanka


 Suldaan Siciid  ayaa magaalada Yubbe kaga hor yimi waftogaasi isaga oo kulan la qaatay waxana kulankaasi Suldaanka Iyo Gen-ka dhex maray uu inta badan ahaa mid  lagaga hadlayay Midaynta dadka Gobolka Degan, Suldaanka ayaa sheegay in haatan Gobolka Sanaag uu yahay Amaan isla markaana loo baahany in Gen-ku saxo wixii Khaldan.



Xassan Soomaali iyo Wariye Maxamed Axmed Ciise


  Xassan Somali oo ah Gudoomiyaha Jaliyada Uk ee ee Reer Sanaag ayaa u mahad Celiyay dhamaan dadkii sida wayn ugu soo dhaweeyay Magaalada Yubbe waxana uu sheegay inay mahad gaar ah u jeedinayaan Maxamuud Is Del-Del oo ka mid ah dadka  Deegaanka Yubbe isla markaana aad ugu soo dhaweeyay magaalada Dubai.


 


 


 



                                   Nabadoon Bashiir Ducela


Nabadoon Bashiir  Ducaale ayaa  ka mid ahaa dadkii Gen-ka sida wayn ugu soo dhaweeyay magaalada Yubbe, Nabadoonka ayaa sheegay in ay muqadas tahay in lala shaqeeyo Gen-ka.


 Bashiir Ducaale  ayaa ku cel celiyay in laga shaqeeyo Amaanka Gobolka isla markaana meel looga soo wada jeensado dadka Nabada marin habaabinaya.


 


 


MAGAALOOYINKA LAAKO IYO RAD AYAA WACDARO KA MUUJIYAY SOO DHAWAYNTII GENERAAL IKA JIIR[DAAWO SAWIRO]


Laako:- Magaalooyinka Laako iyo Rad ee Gobolka Sanaag ayaa waxay maanta dhigeen Wacdaro aan horay loo arag iyada oo  halkaasi lagu soo dhaweeyay waftigii Gen- C/laahi Axmed Jaamac  Ilka Jiir, boqolaal Ruux ayaa isasa soo taagay wadooyinka magaaladaasi kuwaasi oo sitay Calamo iyo Boodhadh.


 


Waftigii uu hormuudka u ahaa Gen- C/laahi Axmed Jaamac Ayaa maanta gaadhay magaalooyinka Laako iyo Raad ee dhinac Bari ka xiga magaalada Badhan, waftigaasi ayaa waxa ka mid ahaa Saraakiil sar sare oo ka tirsan Gobolka Sanaag iyo Koox wariyaal Reer Sanaag ah.


 



                 Islaanka oo Magaalada Laako ku soo dhawaynaya Waftigaasi


 


 



                       Islaanka oo Gacan qaadaya Gen-ka Ilka Jiir


 


 



                      Waftigii iyo Cuqaasha Magaalada Laako oo wada Taagan



                       Waftigii oo Daawanaya Qaabka loo wado soo dhawaynta


 



               Haweenkii Magaalada  oo Ciyaar soo dhawayn ah wada


 


 



                              Waftigii oo ku sugan Magaalada Laako


 


 



                                 Islaan Xuseen Xaaji Cabdi


 


 


Islaan Xuseen Xaaji Cabdi oo ah Islaanka Beesha Deegaanka ayaa ugu horayn halkaasi hadal ka soo jeediyay waxana uu sheegay inuu Gacamo furan ku soo dhawaynayo waftigaasi, Islaanka ayaa sidoo kale u Mahad celiyya dhamaan dadkii Hawshaasi isku soo duba riday soo dhawaynta.


 


 



                      Cali  Maxamed Xirsi oo ka mid ah Jaliyada dibada


 


 


Cali Maxamed Xirsi oo ka mid ah Jaliyada dibada ee Reer Sanaag isla markaana Gen-ka ka soo raacay dalka dibadiisa ayaa Mikrifoonka lagu soo dhaweeyay waxana uu  ugu horayn Mahad balaadhan u jeediyay Bulshada Magaalada Laako oo uu sheegay inay sameeyeen Dadaal dheer oo ah soo dhawayn, Masuulkaasi ayaa sidoo  kale Cara baabay in Gen-ku uu  Mandaqada Sanaag ku yimi Talo midaysan oo ay Gaadheen Qurba Joogta Deegaanka kuwaasi oo ka dalbaday Gen-ka inuu Bulshada Reer Sanaag Badbaadiyo oo uu Dalkii wax ka qabto isaga oo sheegay inuu Gen-ku arinkaasi baaqa ah ka ogolaaday.


 


 



   Xildhibaan Siciid Xasan Shire oo ka mid ah Golaha Baarlamaanka ee DFS


 


Xildhibaan Siciid Xasan Shire oo ka mid ah Golaha  Baarlamaanka Dawlada Somaliya ayaa halkaasi hada dheer waxana uu sheegay inuu  aad ugu riyaaqay soo dhawaynta ay sameeyeen Bulshada Magaalooyinka Laako iyo Rad, Xildhibaanka ayaa dhanka kale xusay in Bulshada reer Sanaag meel kasatoo ay joogaan laga rabo inay midoobaan, oo la shaqeeyaan Gen-ka


 


Xildhibaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Siyaasiyiinta Reer Sanaag ee ku jira Dawlada Somaliya ay taageersan yihiin Qorshayaasha Gen-ka


 


 



                         Gan-ka oo Khudbad Jeedinaya


 


Gen-ka ayaa  aad ugu mahad celiyay dhamaan Bulshada magaalada Laako waxana uu sheegay inay dadkaasi wajiyadooda ka muuqato  Midnimo, Generaalka ayaa sidoo kale ku cel celiyay in laga shaqeeyo Nabada lana xaq dhowro Maamulada Darsika ah sida Puntland iyo Somaliland kuwaasi oo uu ku tilmaamay in lagula noolaado Daris wanaag.



                        Islaanka  iyo Gen-ka oo wada Fadhiya


 



                        Qado Sharaftii ay soo Agaasimeen Bulshada Magaalada Laako


 


 



                                Waftigii oo Gacanta ku Haya Qadadii


 



 Ciidanka Deegaanka Laako oo Salaan Sharaf Siinaya wufuuda


 



 Gen-kii iyo Waftigiisii oo ku sii jeeda  Goobta soo dhawaynta


 



 Qaar ka mid ah Xubnihii la Socday Waftigaasi


 


 




                Xaaji Ismaaciil/  Dhexda/ Coll/ Goraya Cawl  Bidix   jaamac Feyte


Sawirada Waxa qaaday Jaamac Feyte


Warbixntana waxa soo Koobay maxamuud rashiid

 

WARBIXIN DHERAAD AH, MAGAALADA MINDIGALE IYO SOO DHOWEYNTII[SAWIRO DHEERAAD AH]

MINDIGALE:- War bixin dheeraad ah oo ku saabsan soo dhowayntii wafdiga uu hogaaminayo general C/laahi Axmed Jaamac (ilkajiir) ee magaalada Mindigale, Waxay ahayd maalin aad layaab badan u leh, abaabulka iyo soo dhowaynta shacabka reer mindigale siday u soobexeen. Sidaanu kor kusoo xusney waxaa soo dhoweeyey musharaxa dadwayne aad u balaaran oo uu horkacayeen Ururadda Bulshada iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo waliba Gudiga Magaalada Mindigale  iyo waxgaradka culumada cugaasha isimada iyo waliba dhamaan dadwayanaha Magaalada Mindigale.

 


Dad waynaha soo dhowaynayey wafdiga balaadhan uu hogaaminayo General:C/laahi Axmed Jaamac ayaa ka hor in tuusan magaalada soo gaarin shacabku sameeyeen damaashaad waxayna soo ban dhigeen ciyaaro iyo heeso wadani ah taas oo aad looga dareemayo shucuurta dadwaynaha ku dhaqan magaalada mindigale.


 



 


Dadwaynhii isugu soo baxay banaanka magaalada ayaa waxa ka dhex muuqnayey ururada bulshada uu hogaaminayo ururka dhalinyarda Sanag Student Development organization (SSDO).


Ururka dhalinyarada ayaa sitay boodhadh uu ku sawiran yahay General C/laahi Axmed Jaamac iyo astaamaha u gaar ka ah ururka oo aad ku arkaysid dadwaynaha dhexdiisa.


 




 


Waxayna ahayd maalin taariikh u leh dawaynaha ku dhaqan magaalada mindigale.


Isku soo baxa waxaa dheeraa kulan aad u balaaran oo ay yeesheen dadwaynihii iyo wafdigu halkaasoo uu Gan-ku oo khudbad taariikhi ah u soo jeediyey dadwaynihii iskugu soo qaybgalay kulankaas,



 




Khudbada oo dhinacyo badan taa banaysay oo Xanbarsanayd talooyin, tusaalooyin, waxsheegis, in taba wuu usoo jeediyey shacabkii kasoo qayb galay kulanki ka dhacay Magaalada Mindigale.



 


Daawo Sawiro Kale



















     Iyana Kama maqna Mesha qada Sharaftii ay Bulshada Magaalada Mindigale u Sameeyeen  Wafdiga General: C/Laahi Axmed Jaama{ilkojiir}    









Mid kamid ah qaban qaabiyayasha Sodhoweynta Wafdiga u Hogaminayo General C/Laahi Axmed Jaamac {ilko Jiir}  oo anu kula kulanay Xafiskisa magaalada Mindigale Maxamed Cali Jafal


 


Sawiradi Axmed C/Laahi Ciise

MAGAALADA MIDIGALE AYAA SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYAY WAFTIGII GEN-KA C/LAAHI AXMED JAAMAC ILKA JIIR[DAAWO SAWIRO]


Midigale:- Magaalada Midigale ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay waftigii uu hormuudka ka ahaa Musharax C/laahi Axmed Jaamac Mataan, waftigaasi ayaa waxa soo dhawayntooda ka qayb qaatay Bulshada Magaalada Midigale, iyaga oo gacan ka helay Ururka Haweenka ee Al-Nasar.


Boqolaal  ruux oo sita Caleemo qoyan iyo Sawirka Murashaxa ayaa waxay taagnaayeen wadooyinka magaalada Midigale laga soo galo kuwaasi oo qaarkood siday qalabka codbaahiyayaasha.


 


 



                                       Gen-kii iyo waftigiisii
   


 


 


 


 


                                            Gen-ka oo Khudbad Jeedinaya

 

Gen-ka ayaa lagu soo dhaweeyay Goobta soo dhawaynta isaga oo ugu horayn mahad balaadhan u jeediyay Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa oo uu sheegay inay sahlay inaan maanta Goobta Fagaaraha isugu nimaadno inaga oo ka hadlayna ayaheena iyo talada Gobolkeena


 


Gen-ka ayaa dhanka kale sheegay in shacabka Magaalada Midigale ay ku Amaananyihiin ka shaqaynta Nabad iyo horamrinta Deegaanka, waxa uu farta ku fiiqay inuu mudo hore ugu danbaysa Magaalada Midigale balse uu yaqaan dadka degan waxay gudaan iyo waxay Galaanba.


 

                               C/qaadir Bidhiidh oo ka mid ah Waftiga Gen-ka


 

C/qaadir Bidhiidh oo ka mid ah Jaliyada Dalka USA isla markaana Gen-ka ka soo raacay dibada ayaa halkaasi hadal ka soo jeediyay, isaga oo shacabka Magaalada Midigale ugu baaqay inay la shaqeeyaan Gen-ka si loogaadho Ujeedooyinka la doonayo oo ah in Gobolka laga dhigo mid Amaan ah  oo lahe ilo dhaqaale.


Mr Bidhiidh ayaa dhanka kale xusay in magaalooyinkii ay tageen oo dhan si wayn loogu soo dhaweeyay taasina ay ku tusayso sida shacabku u doonayo wax Hogaanka u qabta.


 

                      Xildhibaanada Sahro Qorsheel


                       


 


Xildhibaanada Sahro Qorsheel ayaa halkaasi hadal dheer ka soo jeedisay waxana ay sheegtay in  maanta Gobolka Sanaag uu haysto Jaanis wayn oo ah inay siyaasiyiintii u soo jeensadeen wax ka qabashada Gobolka taasina ay tahay wax aad loogu farxo, Xildhibaanad ayaa dhankeeda sheegtay inay aad u taageersan tahay qorshayaasha Gen-ka.


 



                                     Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Midigale


Gudoomiyahha Golaha Deegaanka ee Midigale Maxamuud Maxamed Ducaale ayaa isna halkaasi khudbad ka soo jeediyay waxana uu cara baabay in deegaanka Midigale uu ka jiro Gole Deegaan iyo meelo lagu cashuuro gaadiidka taasi oo ay dheertahay Magaalooyinka kale, Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in ay diyaar u yihiin in lala xisaabtamo.


 



                                                  Xildhibaan Siciid Xasan  Shire


Xildhibaan Siciid Xasan Shire oo ka mid ah Golaha Baarlamaanka Dawlada Somaliya ayaa dhankiisa ka dhawaajiyay  in reer Sanaag maanta ay midoobeen isla markaana ay loo baahanyahay in laysla shaqeeyo oo Siyaasiyiinta Gobolka la taageero.


 



                                              Dariiqa Xerta oo Shalaad Qaadaya


 


 


                      Daawo Sawiro Kale oo Dheeraad ah


 



                           Midig/ Gudoomiyaha Gobolka Bidix/ Saharo Qoosrheel




 



                                 Xildhibaan Siciid X. Shire iyo Qaar ka mid ah Wufuuda


 


 



                              Muuqaalka Guud ee Dadka soo dhawaynta waday