las qoray.city

home     Contact Us     history     tahniyad     tacsi     sanaag     xayeesiin     sawiro     warark      

 

 

 

 

 

 

                

 

 

 

badhan dhahar iyo ceergaabo   DAAWO SAWIRO

 

Magaalada Badhan oo ah Xarunta 2aad Ee Gobolka Sanaag ayaa waxay ka mid Noqotay Gobolada Dalka somaliya gaar ahaan Degaanada Maamul goboleedka Somaliyeed ee Puntland Meelaha ay aadka ugu Hurumareen Marka la fiiriyo qaar ka mida degaanada PL.

Waxaana magaadlada Badhan ay horumar fiican ka Gaadhey dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dhismayaasha casriga ah ee laga dhisayo & Weliba dhanka Dhaqaalaha oo aad looga dareemayo magaalda Badhan isla markaasina aad ku arkaysid guryo aad u qorxoon oo waawayn iyo streets dhaadheer oo u kala dhexeeya.


Magaalada Badhan aya waxay leedahay Meherado ganasi oo aad u wawayn kuwaasi oo ay soo camiraan Boqolaal ruux oo Degaankaasi ku dhaqan iyo kuwo kaleba,Waxaana Dhowaan Xariga si rasmi ah looga Jari donaa Dabaq 3biyaano ah oo aad u qorxoon gudihiisana aay Masaafo dheer ku dhex lugaynaysid, Dabaqan ayaa la sheegay in laga furi doono Hoteel caalami ah oo isugu jira Qaybaha kala duwan ee hudheelada sida Qaybta hurdada,qaybta cuntada,qaybta daawashada iyo dalxiiska Weli waxa uu ku mashquulsan yahay Maamulka Hoteelkaasi sidii uu bulshada u qancinalahaa oo waxkasta ugu soo bandhigi lahaa Hoteelkan Balaadhan.



Magaalada Badhan Muqaalkeeda Guud



Muqaalkani Waa danta Waqooyi Ee Badhan City



Xafadahani waxay ka midyihiin Goobah sida wayn looga dhisayo Magaalada Badhan




Xaafadani Waa Dhinaca Koonfureed Ee Magaalada Badhan


 




Dhismayaashan muntulada ah waxay Gaarayaan ilamaa 10Xabo oo ku yaala Hoteelka Gudihiisa.




Dhismaha Hoteelkan Caalamiga ah ayaa laga yabaa in dhowaan ay Xariga Ka Jaraan Masuuliyiin ka socota Maamulka Puntland sida M/waynaha PL oo socdaal ku tegaya dhowaan G/Sanaag.



Qaybta Sare ee Hoteelka Waxaa loogu tala galayey Shirarka iyoXafladaha Waxaana ku yaala 2 Hall oo aad u waaywayn.



Hoteelkan ayaa waxa uu leeyahay banaan Balaadhan oo Fagaare ah si ay u soo dhigtaan Gawaarida Yaryar ee Hoteelkaasi timaada.



Hoteelkani waa Huteel ku yaala Bartamaha Magaalada Badhan oo La yiraahdo Hoteel Badacas Waan hoteel Qadiimi ah oo Mudo ka Dhisnaa Magaalada Badhan,Waxaana Mulkiilaha Hoteelkani Oday shire uu sheegay inuu Xili dhow Hoteelkan Casriyeydoono taaso oo qayb ka noqonaysa tartanka Dhinaca Horumarka iyo Ganacsiga Gobolka Sanaag oo tartan loo gelayo


 

Xaafadaha cusub ee sida xowliga ah dhismuhu uga socdo magaalada Badhan ee G/ Sanaag.


Ilaali Isha Xaquuqda Sawirada

 

 

 

 

 


Ceerigaabo:- Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ayaa waxaa lagu tilmaami karaa iney tahay goobaha ugu quruxda badan dhulka Soomaaliya iyadoo magaaladu ay ku taalo goob cagaaran oo dhir badan isla markaana cimiladeedu tahay cimilo ka duwan inta kale ee dalka Somalia.

Ceerigaabo oo Dawladii hore ee Militeriga ay caasimada Gobalka Sanaag uga dhigtey ayaa waxay caan ku tahay beeraha iyadoo ay ka baxaan khudaar iyo midho aan ka bixin inta kale ee Soomaaliya iyadoo ay u dhoofiso magaalooyinka kale ee Somalia sida Bosaaso iyo Burcoba.

Muqaalka Guud ee Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo oo intii ka danbeysey bur burkii Dawladii dhexe ee hore aheyd meelaha ugu nabdoon dhulka Somalida iyadoo heshiisyo beeleedyo dhacay horaantii Sagaashanaadkii ay weli hirgalayaan.

Markale iyo Muuqaalka Guud ee Magaalada Ceerigaabo

Sidoo kale Ceerigaabo waxay caan ku tahay buurta Daalo oo iyadu masaafo yar u jirta isla markaana ay buurtaasi tahay meel ku haboon dalxiiska, waxaasi nasiib daro ah inaan laga faaiideysan iyadoo ay sababta ugu weyney ay tahay wadada tagta oo aad u liidata.

Si gaar ah u eeg, Cagaarka Ceerigaabo.....

Ceerigaabo waxay sidoo kale ku xiran tahay Magaalada Bosaaso oo dhaqaalaha ugu badani kasoo galo iyadoo bakhaarada magaalada ay saadka looga keeno magaalada Bosaaso.

Close up.... Greener Erigavo....

Waxaasi sidoo kale jirta Shirkado iyagu si gaar ah uga keena dhinaca Berbera laakiinse waa faro ku tiris.

Xaafad ka mid ah Ceerigaabo

Magaalada Ceerigaabo waxaa ku yaala Dhowr hoteel oo ay ugu caan sanyihiin hoteelka Royals iyo Hoteel Sanaag iyo mid hada cusub oo uu leeyahay Mayorka Magaalada ee maamulka Somaliland Ismaaciil Xaji Nuur oo dabaq ah.

Suuqa Sare oo ah xaafad ka mid ah xaafadaha Ceerigaabo.

Ceerigaabo waxay aad ugu liidataa dhinaca waxbarashada iyadoo hal [1] iskuul oo Skuul sare ahi uu jiro tayadiisuna ay aad u liidato, iskuulkani kama helo wax dhaqaale ah maamulka Somaliland ama mid kaleba.

Xaafada ku taala Suuqa Hoose ee magaalada Ceerigaabo

Dadka reer Ceerigaabo ah ayaa caruurtooda waxay u kala diraan magaalooyinka Burco iyo Badhan ama Bosaasoba iyadoo hada ay magaalada Yubbe laga wado skuul sare oo cusub oo socda dhismihiisu.

Aqal Villa ah oo ku yaala Suuqa Hoose... Ceerigaabo

Cisbitaalka Magaalada Ceerigaabo oo dhowaan dib loo furey ayaa jira laakinse tayadiisuna way liidataa iyadoo baabuurkii Ambulance-ka ahaa uu maamulka Somaliland u fara Maroojiyey Gebiley oo ku taala Galbeedka Hargeysa.

Erigavo Down town.... Green, right!!!!

Magaalada Ceerigaabo ayaa marka nabad waarta waxay noqon kartaa magaalooyinka ugu dhaqaalaha roon iyadoo dalxiiska iyo xagaa baxaba ku fiican hase yeeshee maamulada iyo siyaasadahan ku saleysan qaab beeleedka ayaa curyaaminaya.

Waa markale iyo Muuqaalka Guud ee Ceerigaabo

Ceerigaabo waxaa la oran karaa waa aayaha Soomaaliya isla markaana hadii dekeda Laasqoray iyo wadooyinka la dhiso noqon doonta goobta ugu weyn ee ka faaiideysata.

Bartamaha Ceerigaabo

Ugu danbeyn Ceerigaabo waxay kaloo caan ku tahay cunista Hilibka Idaha oo la sheego inuu kordhiyo cimriga waxaadna ku arkeysaa magaalada odayaal waayeel ah oo kor u dhaafey 100kii Sano iyadoo sabab uga dhigaya cunista badan ee Hilibka Idaad iyo baruurtooda.

Daawo Sawiro kale..

Bartamaha Magaalada Ceerigaabo
Markale iyo Bartamaha Ceerigaabo
Suuqa Hoose, Ceerigaabo
Markale iyo Muuqaalka Ceerigaabo

 

Warbixin Waa Sidee Magaalada Dhahar Maxaadse kala socotaa Dahar Daawo Dacalada

Dhahar:-Magaalada Dhahar ee gobolka sanaag waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu waaweyn gobolka Sanaag waxaan degmadaasi ay leedahay baaxad aad u balaaran iyo xaafado aad u kala fog fog oo aad u kala raaci kartid waqti, waxaa sido kale xaafadaha magaalada dhahar ay leedahay wadooyin gabanaan. Magaaladan ayaa ah magaalo aad u dhismatey sagaashameeyadii wixii ka dambeeyey oo uu burburka dhacay. Waa magaala ay ku xiranyihiin dad reer miyi ah oo aad u badan, ooba la orankaro reer Miyiga ugu tirada badan gobolada Puntland. Kuwaasoo ah dad dhaqdo xoolaha kala duwan sida geela, ariga, lo'ada iyo fardaha. warbixintan ayaad waxaad ka arki doontaan sawirada magaalada iyadoo ay xaafaduhu kala fogyihiin ayaan waxaan kasoo qaadney xaafad xaafad, waxaan soo sawirney xoolaha oo ka cabaaya ceelka Dhahareed, bilicda dhirta magaalada. Iyadoo aan qeybta labaad idiin soo deyn doono todobaadkan gudihiisa.



Halkani waa Xaafad ku taal Daanta Bari Ee Magaalada Dhahar... Xaafadan ayaa la yiraahdaa Bilcil



Xaafadani waxa ay ku talaa dhinaca Galbeed Ee Magaalada Dhahar waxaana Dhex Marta wadada ka timaada Degmada Buraan iyo Magaalada Bosaso Ee Xarunta Gobolka Bari.




Gaadiidka ka dhex shaqeeya






Baliga Degmada Dhahar







Sawiradii roobka lagu diirsadey Dhahar ka da'ay







Geela iyo Fardihii oo ka cabaaya Ceelka Dhahar





















Biyo Galinta Magaalada



 
 
 
 
 

Badhan : Magaalada Badhan waxay dhacdaa Loolka 10o.05’ Waqooyi, Dhigta 48o.33’ Bari. Waxayna ka tirsan tahay Gobolka Sanaag, waxayna u jirtaa 118km magaalada Ceergaabo oo xagga Bariga ah, magaalada Boosaasona waxay u jirtaa 180km oo xagga woqooyi ah.

Magaalada Badhan waxa dhinaca woqooyi iyo Waqooyi Bari kaga dhereran silsiladda buuraleyda Golis. Waxay leedahay ceel dabiici ah oo magaaladu ka cabto , waana ceelka ay magaca kula baxday ee Badhan, waxana uu caan ku yahay halku dhegga ah Biyo la hubaa waa Badhan, oo ah kelmad ay bixiyeen ciidamadii daraawiishtu xilligii ay saldhigga ka dhigteen.

Waxana ceelka ku wareegsan dhismihii taariikhiga ahaa ee lagu yaqaaney daraawiishta.

Magaalada Badhan waxa ku nool dad gaadhaya ilaa 40.000 oo qof, waana tiro soo kordheysa, dad badan oo tuulooyinka iyo miyiga kaga imanaya awgeed.
Magaalada Waxa ka furan afar dugsi , oo labo ay dugsiyo sare yihiin iyo hal xadaano, dugsiyadaas waxa wax ku barta arday gaadheysa illaa 1650 arday.

Dugsiyada quraanku waxa iyana gaadhayaan 21 dugsi quraan , 9 masaajid oo labo kamid ah jimcaha lagu tukado.

Magaaladu waxay kale oo leedahay Isbitaal dhowaan dayactir lagu sameeyey, uuna yaallo qalab casri ah oo ay ugu deeqday hay,adda Al-manhal, iyo MCH .

Magaalada waxa kujira laynka telefoonada ee shirkadda Golis, iyadoo weliba shirkaddaasi korontada magaalada gelisey , inkasto ay jiraan shirkado yar-yar oo korontada siiya magaalda itaalkooda, waxa kale oo laga helaa Internet coffee-yo , dadku aad u isticmaalaan. Waxana ka furan idaacad FM ah , iyadoo uu kasoo boxo wargeys labo todobaadle ah oo la yidhaahdo Calmadow.

Dhaqaalaha magaaladu wuxu ku tiirssan yahay ganacsi ballaadhan oo ay la leedahay dekedda Boosaaso , iyadoo maalin walba uu ka boxo mid kamid ah labada Bas ee rikaabka u qaada magaalada Boosaaso. Iyo xoolaha nool iyo beero aan sidaa u horumarsanayn.

Waxa soo gala afar waddo oo magaalada ku xidha magaalaooyinka la jaarka ah sida Ceergaabo, Boosaaso , Laasqorey iyo Magaalooyinka dhulka oogada ah ku yaal, inkastoo ay yihiin waddooyin raf ah , oo aan nasiib u yeelan in ladhigo laami. Taasna waxa dadku ku dhibaatoodaan xiliyada roobabka ah,oo waxyeello soo gaadho waddooyinkaas, gaadiidkuna aannu