las qoray.city

home     Contact Us     history     tahniyad     tacsi     sanaag     xayeesiin     sawiro     warark      

Qalinkiyo buugaa, baahi looga baxaa--- Soo dhaweyntii magaalada Laag iyo Boosaaso, iyo xaflad gogol xaadh ah oo loo qabtey Dhalinyada Dhahar oo ah kooxda tartan aqooneedka qaadey gobolada Soomaaliya oo dhan…

Laag: Taniyo magaalada Laag ilaa iyo Boosaaso oo ay is qabsadeen dad soo dhaweynaaya kooxdii ku guuleysatey tartan aqooneedka gobolada Soomaaliya, kaasoo dhex marey 16gobol—oo ay horsed iyo Telecom Puntland Inc. wada qabteen.


 


Shacabka magaalada Laag ayaa waxay muujiyeen xamaasad iyagoo xaflad balaadhan u qabtey kooxda degmada Dhahar, halkaasna ay aad ugu soo dhaweeyeen, kooxdii degmada Dhahar oo ku guuleysatey tartan aqooneedka.


 


 




Dhalinyada Kooxdan ku guuleystey ayaa waxaa magaalada Boosaaso kusoo dhaweeyey baabuur ka badan boqolaal oo ay saaranyihiin shacabka iyo hay’ado aqooneedka gobolada Sanaag, Haylaan iyo Bari. Xafladan maanta ayaa waxaa xigi doona xaflad habeen dambe lagu qaban doono hoolka shirarka Telecom oo lagu gudoonsiin doono kooxda Dhahar Koobkii ay kasoo hanteen tartan aqooneedka, sidoo kale waxaa kasoo qeyb gali doono kooxihii kaloo dhan iyo kooxda gobolka Mudug oo timid Finalka. Waxaa xusid mudan in tartan aqooneedka ay qabteen idaacada Horseed, shirkada Telecom Puntland ay maal galisey. Kooxda tartamayaasha Sanaag ayaa waxaa sidoo kale xaflad caawa ugu qabtey magaalada Boosaaso fanaaniinta Puntland iyadoo magaalada gobolada Puntland si aad ah looga dareemayo imika.

Diyaarintii wariye Maxamed Axmed Ciise--Madaxa idaacada Dhahar Radio ee Puntland






 















 

















Xuquuqda Sawirada