Xukuumada Puntland oo Isku Shandhayn lagu sameeyey
Waxaa caawa lagu dhawaaqay Isku shaandheyn uu Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole uu ku sameeyey Golihiisa Wasiirada, ayadoo ay jiraan Wasiiro cusub oo la magacaabay iyo kuwo xilkii laga qaaday.
Wareegtada kasoo baxday goor dhaw Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa u qorneyd sidatan:
Xeer Madaxweyne Lr 19 011/03/2010 kuna sabsan Isku shandaynta Golaha Xukuumadda Puntland
Marku arkay Dastuurka Dowladda Puntland
Marku la tashaday Madaxweyne Kuxigeenka Puntland
Marku garwaaqsaday Baahida loo qabo Isbedel lagu sameeyo Xukuumadda Dowladda Puntland
Waxaa uu xeeriyey magacaabida iyo isku shandaynta Golaha wasiiradda Puntland;
1.Jenraal Yuusuf Axmed Kheyr Wasiirka Amniga iyo DDR-ta
2.Cali Yuusuf Cali Xoosh Wasiir Kuxigeenka Amniga iyo DDR-ta
3.Dr.Dauud Maxamed Cumar Wasiirka Qorsheynta iyo Xiririrka Caalamiga
4.Prof.C/qaadir Cabdi Xaashi Wasiiru Dowlaha Qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga
5.Injineer C/risaaq Yuusuf Cilmi Wasiir Kuxigeenka Qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga
6.Siciid Maxamed Raage Wasiirka Dekaddaha iyo gaadiidka Badda
7.Xassan Faarax Jaamac Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
8.Cabdi Maxamuud Maxamed Wasiir Kuxigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha
9.Dr.Cali Cabdulaahi Warsame Wasiirka Caafimaadka
10.Cabdi Khaaliif Xaaji Xassan Aw-Axmed Wasiirka Cadaaladda iyo dhaqan celinta
11.Cabdi Yaasin Xirsi Wasiir Kuxigeenka arimaha gudaha iyo Dowladdaha Hoose
12.C/risaaq Maxamed Ismaacil Wasiir Kuxigeenka labaad ee arimaha gudaha iyo Dowladdaha Hoose
13.C/shakuur Mire Aadan Wasiir Kuxigeenka howlaha guud iyo gaadiidka
14.C/qaadir Muuse Yuusuf Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Kheyraadka Badda
15.Maxamed C/laahi Saalax Deer Wasiir Kuxigeenka Kallumaysiga labaad
16.Saynab Ugaas Yaasiin Wasiir Kuxigeenka arimaha Haweenka iyo Qoyska
17.Cali Axmed Gamuute Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada
18.C/qani Salaad Yuusuf Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta
19.Maxamuud Maxamed Sheikh Ibraahim Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
Xubnaha xilka baneeyey;
C/laahi Siciid Samatar
C/risaaq Yaasiin Cabdulle
C/laahi Cali Xirsi
Faarax Aadan Dhalac
C/risaaq Xuseen Gacayte
C/kariim Saalax Cali
Bashiir Cali Biixi
Xaliimo Maxamuud Maxamed
Waxaa wareegtadaan ku saxiixan Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud(Faroole).
Isku shaandheynta uu Madaxweynaha Puntland ku dhawaaqay ayaa ah tii ugu horeysay oo lagu sameeyo Xukuumada Dr.Faroole tan iyo intii xilka loo doortay sanadkii 2009kii.