Maxkamad ku taala magaaladda Berbera ee xarunta u ah gobolka Saahil ayaa la horkeenay 11-nin oo la sheegay in ay ahaayeen Burcad Badeeda isla markaana mudo ay ku xirnaayeen xabsi ku yaala Berbera ka dib marki ay soo qabteen Ciidanka Somaliland.
Gudoomiyaha gobolka Saahil Cismaan Ibraahim ayaa sheegay in 11-ka nin ay ku xukumeen xarig gaaraya 15-sano mid kiiba, ka dib marki lagu helay falka dambiga ah Burcad Badeednimo.
Wuxuuna sheegay in dhamaantood ay wada qirteen dambiga lagu soo oogay, iyadoo loo gudbiyey Xabsiga Mandheera halkaas oo ay ku xirnaan doonaan.
Raggaas la xukumay ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2009, ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Somaliland xilli ay ku sugnaayeen Xeebta Lughaye, waxaana ay kasoo jeedaan intooda badan degaanadda Puntland sida ay sheegeen masuuliyinta u hadashay maamulka Somaliland. |