welcome to allmaakhir.com

home     Contact Us     history     tahniyad     tacsi     sanaag     xayeesiin     sawiro      

Hadaaftimo oo Maalinta Haweenka Aduunka ee 8-March laga Oogay +Sawiro

Xaflad aad u ballaaran oo lagu xusayey Maalinta Dumarka Aduunka ayaa waxaa lagu qabtay Xafiiska Ardayda Sanaag, Xafladaan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Ardayda Gobolka Sanaag ee SSA ayaa waxaa lagu casuumay Shacab badan iyo weliba Ururo badan oo ka kala socday Magaalada Hadaaftimo waxaa kamid ahaa Horseed Organization, Hodman Group iyo weliba AL-nasar III.

Xafladaan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxa lagaga hadlay Muhiimada ay hooyadu u leedahay Bulshada, waxaana meeshaas ka hadlay dumar badan iyo weliba Odayaal kasoo qayb-galay.


Guddoomisada Ururka SSA Murwo Safiyo Axmed Jiir mar aan Wareysi layeelanay ayey nooga warantay Sida ay xafladaan usoo agaasimeen waxayna xustay inaysan cidna ka taakuleyn Qaban-qaabada.


Madashaan oo ahayd mid ay ka muuqdeen sharaxaado badan oo muujinaya Muhiimada Hooyadu u leedahay Bulshada ayaa ahayd mid farxad weyn ku abuurtay Bulshadii kasoo qayb-gashay Xafladaan


 


                       



Xafladda waxa lagu casuumay ururo badan oo ka dhisan Magaalada Hadaaftimo, sida ay xustay Guddoomisada Ilsan ee Xarunta Hadaaftimo Faadumo Xamuurad.


Guud ahaa Gobolka Sanaag iyo Hayland ayaa laga Oogay Maalinta Haweenku ay ku Leeyihiin Aduunka ee 8-March waxana Maalintaasi Diiwaan Galisay UN-ka oo sheegay in Haweenka Maalintooda loo aqoonsado.


                            




 


Magaalada Dhahar ee Xarunta G/Hayland, iyo Degmada Buraan, Xingalool iyo Ceelbuh ayaa si aad ah Looga xusay, sidoo Kale Badhan Laftigeeda ayaa la sheegay in Munaasibadaasi lagu qabtay.


 


Gabagabadii ayaa Ciyaar lagu soo Bandhigay Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Hadaaftimi waxana Halkaasi isku Hirdiyay Laba Kooxood.

allmaakhir.com
Cabdiqani Xayir